ABUU SHUJAAC PDF

Witir kana maxaa la dhahaa…? Hal rakcad beyna ku wada dhamaan nayaan oo tira is dheer ah, witir kuna kaas waaye, salaatu leyl kaas buu kamid yahay ama witir kaas buu noqon karaa. Tira deedu marka waa, 2 rakca dood baa u yar, 8 na waa u badan tahay. Kutubta Shaaficiyada iyo Minhaajka iyo Rowdaha iyo Imaamu Nawawi 12 baa u badan buu yiri, laakiin badan kooda waxay leeyihiin 8 baa u badan. Shaaficiyadu salaadda taraawiixda waa 20 rakca dood iyo 3 witir ah, saas ayay qabaan waxayna u daliishan nayaan Cumar Ibnu al-Khattaab rc markuu dib u soo nooleeyay salaadda taraawiixda waxay leeyihiin 23 rakca dood buu amray, 3 witir ah iyo 20 salaatu taraawiix. Athar kaasi Cumar maka sugan yahay dood baa ka jirta!

Author:Gogal Faull
Country:Tajikistan
Language:English (Spanish)
Genre:Music
Published (Last):17 September 2010
Pages:430
PDF File Size:13.95 Mb
ePub File Size:19.4 Mb
ISBN:925-5-75579-525-6
Downloads:31919
Price:Free* [*Free Regsitration Required]
Uploader:Akiran



Alle kor ahaayee, qofkuu hanuuniya wax lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyana wax hanuuni karaa ma jiro. Marka wuxuu kamid yahay culimadii qarnigii 5naad nooleyd.

Wuxuu ku dhashay Basra waa wadanka Ciraaq, aabahii iyo awoow yadii na waxay ka soo jeedaan Asfahaan iyadaas ayaa loo nisbeeyaa al-Asfahaani ama al-Asbahaani , Asfahaan waa dhulkan hadda Iiraan ay ka taliso.

Wuxuu caan ku ahaa ama ku caan baxay, darsida mad-habka Imaamu Shaafici oo kitaab kani ama darsigeena ku saabsan yahay. Waxaa kutubta taraajimta wax ka qortay ee ay tilmaamayaan, inuu 40 sanno ka badan mad-habka Shaaficada uu darsaayay Basra inuu ku darsaayay.

Waa ninka kitaabka iskaleh waxaa inta badan lagu sheegaa marka loo turjumahayo kitaab kan ayuu caan ku yahay [saaxibul qaaya wa taqriib] ama [qaayatul iqtisaar], kitaab kan ayuu caan ku yahay, laakiin keligii ma ehee kutub kale na waa leeyahay. Waxaa kamid ah mathalan: Al-Iqnaac oo uu leeyahay [al-qaadi imaam Wardi] ayuu sharxay, sidaa na wey ku sheegaan.

Nin caalim oo faqiih buu ahaa, fiqiga Shaaficiga qaasatan ee aad caan ugu ahaa. Kitaab kiisan ee aynu hadda dul joogno, sida uu isagu ba tilmaami doono, mowduuciisu waa fiqiga Shaaficiga, weliba kitaab gaaban waaye bilaaw ah. Kitaabka laakiin ahmiyad buu leeyahay, ha gaabnaado laakiin muhimad buu leeyahay, fiqiga Shaaficiga meelaha laga bilaabo waaye, mudnaan qaas ah ayay culimo badani siiyeen oo wey sharxeen. Waxaa nadmiyay kitaab kan oo tix gabay ah u bedelay al-Imaam Sharafu Diini Yaxya ibnu Muusaa al-Camriitti , waa ninkii aad garan neysaan ee ahaa, muxuu nadmiyay oo kale?

Haa Ajaruumiga ninkii nadmiyay, isaga waaye. Waxaa kale uu nadmiyay Waraqaadka sooma aha? Nadmu Waraqaad na isaga ayaa iskaleh naadim wuxuu ahaa cajab badan, kanna wuu nadmiyay oo tix gabay ah ayuu u bedelay page buu ka dhigay yuu ku nadmiyay.

Waad garan kartaan marka kitaab kaa mudnaanta uu leeyahay iyo sidii ay culimadu ugu dadaaleen, mid sharxa mid nadmiya wa haa kadaa. Imaamka kitaabka iskaleh tarjama dheer lagama hayo, inta badan kutubta u turjumta een arkay tabaqaatul shaaficiya al-kubraa suki iyo al-Aclam li Zakali iyo hiddaayatul Caarifiin ee uu leeyahay Baabaani , qolya haas ayaa taraajim tiisa wax ka sheegay iyaguna aad uguma ay dheeraanin, faqiih Shaafici ah oo kitaab kan hadda aan dul joogno oon bilaabeyno caan ku ah intaas ayey kaga gaab sadeen.

Haddaba intaa haddaan ka soo gudubno oo ninka kitaabka iskaleh xooggaa tarjamadaa aan ka bixino iyo kitaabka laf ahaan tiisa.

Taasi waxay keeneysaa inaan faahfaahin fara badan la gelinin. Fiqiga noocaas ah waxa uu ku fiican yahay ardayga xooggaa dhismay oo wax u kala baxsan yihiin, laakiin ardayga bilowga ah waa inuu marka hore ku tafaquho mad-hab madaahibta kamid ah.

Iyo adila doodii maskax diisa way ka yara weyn tahay, wuxuu u baahan yahay marka hore sida culimad tilmaamayaan inuu mad-hab mucayin ah ku tafaquho.

Mad-habka Shaaficiga Xanafiga Xambaliga Madaahib taa mid kamid ah inuu marka hore ku tafaquho oo barto, markuu mad-hab kaa barto kadib ayuu markaa wuxuu ugu gudbayaa marxalada xigta inuu madaahib tii kale barto, wey u fududaan neysaa marka, haddaad kan Shaaficiga taqaano waxaad leedahay Maaliki yada maxay isku qilaafsan yihiin waa fudutahay asaas kii baad haysaa markaa, Xanafi yada maxay isku qilaafsan yihiin, Xanaabilada maxay isku qilaafsan yihiin.

Laakiin haddaynaan mad-hab mucayan ood taqaano uusan jirin ood badd weyn taa dhex gasho waad wareeri, waana dhibka hadda haysta talabatul cilmiga ayay kamid tahay. Marka mad-hab mucayin ah in lagu tafaquho bilowga hore waa midday culimadu ku naseexeyn nayaan ooy ku talin nayaan waaye.

Dadaal kaa culimo marka ama uu sixi ama wey ka qaldami! Soo ma aha? Bal cilmiga xadiiska ragga taqasus ka siyaada daa u leh Shaafici yada ayay u badan yihiin, aad na waa loogu qitmeeyay mad-habka Shaaficiga waxaa u badnaa muxadithiinta ayaa u badnaa. Marka sidaas daraadeed xagga daliilka waa ugu dhow yahay, madaahibta ugu dhow buu kamid yahay, imaamka mad-habka iskaleh na wuxuu jamciyay beynal fiqih wal xadiith … Muxadith na waa ahaa, Faqiih na waa ahaa Bal waxaa la yiraahdaa waa ninkii ugu horeeyay ee jamciyay beynal fiqih wal xadiith aad bey ugu amaan naan arrin taa iyada ah.

Intaasi waa hordhac kadibna waa kaa kitaabkii uu inoo bilaabay Sheekha. Mahad Alle ayay u sugnaatay, amaan dhamaan teed iyo mahad dhamaan teed Alle ayaa iskaleh, uunka oo dhan Rabbi u ahaa, [yacni iskalahaa oo maamul laayay oo abuurtay], Allah ha amaano sayyid keena kor kiisa Allah ha amaano, Muxammad ahaa, ee Nabiga ahaa [kii loo waramay] ahaa.

Ahal kiisa kor kooda na ha ahaato [amaan taasi iyo salli gaasi] ee Taahiriinta ahaa, ee daahirka ahaa. Saxaaba diisa kor kiisa ha ahaado [salli gaas] dhamaan tooda. Meeqa sanno ayuu jiray markaa? Maxammad ibnul Xassan ash-Sheybaani ardaygii Abuu Xaniifa ayaa Shuruuq diisa kamid ah, doodo dheer na waa dhex mareen. Imaamu Maalik oo mad-habka Maalikiga ah, imaam kiisa ahna sheekhiiqa buu ahaa, imaamu Shaafici buu sheekh u ahaa.

Imaamu Axmad ibnu Xambal oo mad-habka Xambaliga ah, imaam kiisa ahna arday buu Shaafici u ahaa, Shaafici baa Sheekh u ahaa. Saad daraadeed laba imaam midna arday buu u ahaa, midna Sheekh buu u ahaa, imaamka saddexaad na ma soo gaadhin laakiin arday diisii bey kulmeen, sidaas weeye marka.

Ikhtisaarku iyo iijaazku wey isku macna dhow yihiin, culimada qaar na wey kala duwayaan. Khaayah iyo nihaaya na wey isku macna dhow yihiin, qaar na xooggaa macnaha waa u kala duwayaan. Macnaha wuxuu doon nayaa inuu ku yiraahdo, gaabinta aan kitaabka gaabin naayo iyo soo koobida aan soo koobayo meesha uga dambeysa ee koobid la gaadhsiin karo ama gaabin la gaadhsiin karo ayaan gaarsiin nayaa waaye, saas weeye macnaha.

Maxaan saa ugu koobayaa uguna gaabin nayaa? Marka kutub taan la soo gaabin naayo asal ahaan waxaa loogu tala galay in la xifdiyo, oo ardaygu markuu matni xifdisan yahay ama mutuun xifdisan yahay cilmi badan baa ku jira marka, wax yaalaha waayahaan dambe laga tagay bey kamid tahay, marka taas ayaan ugu tala galay buu yidhi. Arrima haas ayuu I weydiistay buu yidhi. Yacni qaabka ay culimadu kutubta u alifaan fiqiga, waxay u qeybiyaan; Cibaadada Mucaamalaad Xuduud iyo Jinaayaad baa loo qeybiyaa.

Marka cibaadaad ku waa wixii ku saabsan afarta, marka laga yimaado shahaada teen ka afarta tiir ee Arkaanul Islaamka ; Salaad dii iyo Soon kii iyo Xajj kii Iyo wixii iyaga raacsan oo ka ak dhow ayaa cibaadaad la yiraahdaa, kadib mucaamalaad ka waxaa imaan nayaa beycii mucaamalaad ka suuqa wax kala iibsiga, waxaa imaan naya kadib nikaaxii iyo talaaqii iyo axkaam toodii , mucaamalaad bey isku dhahaan, kadib wax ka sii dambeyn naya xuduud iyo jinaayaad , jinaayaad ka waa dhibaatooyinka leysu geysto, xuduud duna waad garan neysaan.

Sidaa markey u qeybiyaan baa culimada waxay hor mariyaan oo kitaabta fiqiga lagu bilaabaa qeybta ugu horeyso oo cibaadaadka ah, cibaadaadka marka lagu bilaabaa, cibaadaadka ayaa haddana sii qeyb samayaa, cibaadaadka maxaa u horeeya? Salaadda ayaa u horeyso sooma aha?

Salaaddii intaadan tukan maxaad u baahan tahay? Inaad dhahaara qaadato. Dhahaaradii markii la bilaabo iyada laf teeda baa waxay ka bilaaban neysaa intaadan weeyseys sanin ama aadan qabeysanin, waxaa laga hadli wixii lagu dhahaara qaadan lahaa, oo maxay ah?

Biyo leysku taahirin karo toddobo biyo waaye, 7 nooc oo biyaha kamid ah ayaa leysku taahiriyaa ama lagu dahaara qaataa ama wax lagu daahiriyaa.

HARTAJ SINGH PDF

Abu Shujaac

.

1001 DISCOS QUE HAY QUE ESCUCHAR ANTES DE MORIR PDF

Abuu Shujaac

.

HOW I CLOBBERED EVERY BUREAUCRATIC AGENCY PDF

Kitaabka Abuu Shujaac. Sh. Maxamed Cabdi Umal. [Dhageyso+Daawo]

.

EL SOLDADO SVEJK PDF

Kitaabka Abuu Shujaac – Sheekh Maxamuud Sheekh Maxamed Shibli

.

Related Articles